In la wada-joogo – ka-qaybgelin wacan

Carruurta oo dhan waxa ay u baahan tahay in waalidku firfircoon uga qaybqaato hawl-maalmeedkooda. Waalidku si wacan ayey uga qaybgeli karaan iyagoo ku mashquulaya waxa ilmuhu samaynayo iyo waxa uu jecelyahay, in uu dhegaysto ilmaha, ka qaybgalo ciyaarta, iyo in u uka qaybgalo hawla maalmeed ee joogtada ah, wakhtiga firaaqada iyo layliga dugsiga. Carruurta way u wacan tahay in ay dareemaan in waalidku og yahay xaaladooda iyo dareenkooda, waxa soo mara iyo werwerkooda. Marka ay waalidku u jabjabnaadaan oo ay fahmaan waxa ilmuhu dareemayaa in la arko oo lala socdo, waxaanu helayaa meel uu ka ambaqaado marka uu xiriir togan/wacan la yeelanayo dadka kale. Ka qaybgelinta wacan waxa kale oo ka mid in arrimaha laga soo eegi karo dhinaca ilmaha, la raaco soo jeedinta ilmaha, in ilmaha lagu soo dhaweeyo wadashaqayn, in la gaashaamo ilmaha, in loo sameeyo xuduudo da’diisa ku habboon iyo in loo abuuro jawi dareen oo u sahlaya ciyaar iyo wax-korodhsi.

Ka qaybgelinta wacan waxa ay si dhow isugu xiraysaa waalidka iyo ilmaha. Arrinkani waxa u uka qaybgqaadanayaa in ilmuhu uu waalidka ka dhigto rugtii kalsoonida oo uu ka soo doonto taageero, dhawaansho, sasabo ama dhiirigelin. Marka carruurta iyo waalidku abuurtaan xiriir wacan, waxa ay wadaagayaan farxadda iyo murugooyinka, waxaana xoogaysanaya xarigga jacaylka.

 

Marka xaaladda nololeed adkaato, waxa dhammaanteen inagu adkaan kara in aynu ku sii adkaysano ka qaybgelinta wacan ee aynu ilmaha kula dhaqmi jirnay. Carruurta qabta dhibbaatooyinka habdhaqan waxa ay inta badan abuuri karaan xiriir xun oo ka dhexeeya iyaga iyo waalidkooda. Waalidkana waxa ku adkaan kara in ay niyad muujiyaan oo firfircoonaadaan marka dhibaatooyinka ilmuhu bataan, oo waalidkuna kordhiyaan ahmiyadda ay siinayaan waxyaalaha xun ee ilmuhu samaynayo. Haddii waalidku ku guulaysan waayaan in ay si firfircoon uga qaybqaataan adduunka carruurta, waxa inta badan sii socda isbeddelka xun. Ilmaha iyo waalidka ayaa sii kala fogaan kara, dareenkii isu dhawaanshaha ayaa meesha ka bixi kara, ilmuhu waxa uu joojinayaa in uu soo raadsado waalidka.  Mararka oo kale waxa waalidka iyo carruurtaba u dan ah in ay raadsadaan caawimo khabiireed.

 

PMTO waxa ugu muhiimsan in dib looga noqdo jidka xun, si dib loogu abuuro isu-dhawaansho ka dhexeysa waalidka iyo ilmaha, iyo in xariga nafsadeed la xoojiyo. Dhammaan xirfadaha waalid PMTO lagu soo qaadayo, waxa ay qayb ka yihiin gaarista hadafka guud – ka-qaybgelin wacan

 



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.