Wadahadla – La hadalka carruurta

In la is-fahmo oo la is-dareemo ayaa aasaas u ah xiriir wacan. Xariga u dhexeeya ilmaha iyo waalidku wuu sii xoogaysanayaa marka ay u wadahadli karaan i wacan, oo midba midka kale dhegaysto.

Marka wadahadalka ilmaha iyo waalidku wacan yahay, waxa waalidka u fududaan in ay la socdaan waxa ilmuhu samaynayo, sida ay tahay xaaladda ilmuhu, waxaana imanaya in waalidka iyo ilmuhu dareemaan in wax badan ka dhexeeyo.

Marka ay hawlaha maalintu badan yihiin waxa waalid badan ku adkaan kara in ay wadahadal wacan la yeeshaan carruurtooda. Haddii la barto xirfadaha hoos ku qoran, waxa waalidka iyo carruurta u fududaan wadahadalkoodu soo roonaado.

  • In la arki karo oo la aqoonsan karo dareenka ilmaha. Isku day in aad garato oo kala soocdid dareenada ilmaha, sida tusaale ahaan xanaaqa, murugada iyo farxadda. Marka la arko ee la magac-dhabo dareenada, waxa ilmaha iyo waalidkuba fiiro dheeraad ah u yeelanayaan waxa dhacaya.
  • In aad kala sooci kartid dareenadaada iyo dareenada ilmaha. Isku day in aad kala soocdid dareenadaada iyo dareenada ilmaha. Markaa waxa aad fiiro dheeraad ah u yeelanaysaa in aad dib u haysid dareenada kuu gaarka ah oo aad feejignaan dheeraad ah u yeelatid waxa ilmaha haysta. Dareenada waalidka, gaar ahaan marka ay jirto degenaansho la’aan (stress), waxa ay khalkhal ku keeni karaan wadahadalka ka dhexeeya iyaga iyo carruurta.
  • In aad dhegaysan kartid waxa ilmuhu sheegayo. In la dhegaysto waxa ay xog muhiim ah ka bixinaysaa ilmaha: Muxuu ilmahaygu ku mashquulsan yahay? Sidee ilmuhu u arkaa laf-ahaantiisa iyo bey’adda ku hareeraysan? In la dhegaysto oo la fahmo waa lagama maarmaan si u afgaratid carruurta.

Waalid badan oo leh carruur hawl badan ayaa waxa ku adkaan kara in ay wadahadal la yeeshaan ilmahooda. PMTO waxa ay waalidku ka baranayaan in wax hagaajiyaan wadahadalka u dhexeeya iyaga iyo ilmaha.

 



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.