Xudduud-samaynta

Xudduud samayntu waxa ay ka kooban tahay in waalidku ay si waadix ah ugu kala sheegaan saxa iyo khaladka, oo ay markaasna arrinkaas u dabogalaan si aan leex-leexad lahayn. Marka carruurtu samayso waxa la rabo, waxa wacan in la siiyo amaan iyo dhiirigelin. Marka carruurtu samayso waxa khalad ah ama jebiso xeerarka, waxa habboon in tallaabo looga qaado si khafiifsan, laakiin go’aan adag ah. Si xudduud u samayntu u shaqayso waxa loo baahan yahay in uu jiro xiriir wacan oo ay ku dheehan tahay ka-qaybgelin wacan iyo dhiirigelin.

Xudduudaha waalidku waxa ay ilmaha si waadix ah u tusayaan habdhaqanka laga rabo, waxaanay ilmaha ka caawinayaan barashada xeerarka. Carruurta yaryar mal aha khibrad ku filan oo ay ku fahmaan sababta tusaale ahaan loogu jawaabay maya. Waxa ilmaha kalsooni ku abuuraysa in uu arko waalidka oo meel ka soo wada jeeda oo isku aragti ah. Xudduud la’aan ama xudduudo aan la saadaalin karin waxa ay ilmaha ku keeni karaan degenaansho la’aan iyo kalsooni-darro.

 

Waxa habboon in waalidku samaystaan qorshe ku saabsan qaabka ay u maareynayaan xeer-jebinta iyo habdhaqanka aan la rabin, oo ay weliba qorshahaas ka dhigaan mid ilmahooda leeg/ku habboon.

Astaamaha xudduud-samaynta wacan:

  • Xilli hore wax ka qabo. Waxa ugu habboon in habdhaqanka aan la rabin ama xeer-jbinta yaryar xilli hore wax laga qabto, oo markaasna loo saxo si khafiif ah markastana isku mid ah.
  • Si cad oo degdeg ah. Marka ilmuhu muujiyo habdhaqan aan la rabin ama la ogaado xeer-jebin, waxa habboon in ilmaha loo saxo si degdeg ah, waxaana habboon in si dhexdhexaad ah oo khalad –tilmaamid ahayn loogu cadeeyo waxa khaladku yahay. Ogow in ilmuhu uu ku jiro xaalad uu wax baranayo.
  • Hubso in aad bixisid fal-celin la saadaalin karo. Waa in ilmuhu uu sii ogyahay tallaabada laga qaadayo haddii uu la yimaado habdhaqan aan la rabin. Ogow in tallaaboonyinka yaryar ee khafiifka ah ee markasta lagu soo celiyo ay ka faa’ido badan yihiin tallaabooyinka ad-adag.
  • Is deji oo go’aan adag yeelo. Marka dhibbaatooyinka la xiriira habdhaqanka loo qaabilo si degan oo markasta isku mid ah, waxa sii kordhaya suurtagalnimada in ilmuhu uu yareeyo waxa aynaan rabin, oo uu badiyo waxa aynu rabno. Waxa is dhimmaya baaxadda habdhaqanka xun, waxaanay gundhig u noqonaysaa in ilmuhu sii kordhiyo falalka la rabo.

PMTO waxa ay waalidku marka hore ku baranayaan qaabab kala duwan oo wadadhaqan cusub kula samayn lahaayeen carruurtooda, iyagoo adeegsanaya ka-qaybgelin wacan, farriimo fiican, amaan iyo dhiirigelin. Waa in xirfadahaas waalid la barto marka hore intaan waalidku baran xeelado cayiman oo ku saabsan xudduud-samayn loogu talogalay ilmahooda.

Waxa la soo jeedinayaa in carruurta la siiyo amaan iyo dhiirigelin shan jeer ka badan tallaabooyinka ganaaxa ah, waxa ay ka dhigan tahay in xudduud-samayntu natiijada wacan keento marka waalidku ay horeba u bixin jireen amaan iyo dhiirigelin.



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.