Wadashaqaynta xannaanada carruurta iyo dugsiga

Laga soo bilaabo marka ay dhashaan waxa carruurta ku abuurma aqoon, xirfaddo iyo aragti ay kula dhaqmaan carruurta iyo dadka waaweyn ee kale. Xannaanada carruurta iyo dugsigu taas daraadeed waa meelo tiir-dhexaad u ah korniinka ilmaha. Halkan waxa ilmuhu ku baran karaa xirfado aasaasi iyadoo loo marayo ciyaar iyo barasho furfuran.

Haddii ay ogyihiin waxa ka dhacaya xannaanada carruurta iyo dugsiga, waxa ay waalidku ilmahooda u noqon karaan taageero wacan. Waxaana u fududaanaya ka hortagga dhibbaatooyinka, in ay ilmaha kala dabaashaan muddooyinka adag iyo in ay ilmaha u noqdaan taageero marka uu wax baranayo. Si arrinkan loogu guuleysto waxa muhiim ah in wadashaqayn wacan dhexmarto guriga iyo xannaanada carruurta ama dugsiga. In wadashaqayn wacan la helo waa masuuliyad dhinac kasta saaran, laakiin xannaanada carruurta iyo dugsiga ayey waajib ku tahay in ay sahlaan sidii wadashaqayntu u bilaabmi lahayd. Wadashaqayntu waa in ay ku salaysnaato xog is-dhaafsi, oo waa in miisaanka la saaraa horumarka iiyo korniinka ilmaha.

 

Carruurta qabta dhibbaatooyinka la xiriira habdhaqanka waxa si gaar ah ugu muhiim ah in dadka waaweyn ee ku hareeraysani isku dhinac wax u wadaan marka ay wajahayaan habdhaqanka ilmaha. Marka uu xiriir fiican ka dhexeeyo guriga iyo xannaanada carruurta/dugsiga waxa sugnaan doonna in in ilmaha loo qaabilo si is waafaqsan. Inta badan habdhaqanka xun ee ilmuhu ku kaco, kama dhacaan guriga oo keliya ama xannaanada carruurta/dugsiga oo keliya.

 

Haddii aannu nahay PMTO waxa annaga iyo waalidku la xiriiraynaa oo isku dayeynaa in aannu bilowno wadashaqayn wacan oo lala yeesho xannaanada carruurta iyo dugsiga oo ku saabsan sida loo sahli karo arrimaha ilmaha.

 

 

 



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.