Macne weyn ayey leedahay bixinta farriimuhu. In waalidku bixiyo farriimo fiicani waa talaabada u horeysa ee la qaadayo si wadashaqayn fiican loola yeesho ilmaha. Marka ay waalidku bixiyaan farriimo fiican oo waadix ah, waxa sii badanaya suurtgalnimada in ilmuhu sameeyo sida waalidku faro. Arrinkaasi waxa uu qayb ku leeyahay dhiirigelinta sidii gurigu u yeelan lahaa jawi wadashaqayn oo fiican. Ilmaha wadashaqaynta oggol waxa u kordhaya fursadaha horumar ee u uka helayo guriga, saaxiibada iyo dugsiga/xannaanada carruurta.
Carruurta ay ku adag tahay in ay adeecaan farriimahu waxa ay u baahan yihiin caawimo dheeraad ah. Bxinta farriimuhu waa xirfadda ugu horeysa ee lagu barto PMTO. Waalidku waxa ay baran doonaan waxa astaan u ah farriimaha fiican, qaabka loo bixiyo loona dabogalo, iyo qaabka ay farriimaha fiican u kordhinayaan suurtagalnimada in ilmuhu oggolaado wadashaqayn.
*Vi mottar gjerne generelle henvendelser, men vennligst ikke send sensitive opplysninger om egen eller andres helse da dette kun skal deles med aktuell behandler.
Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.