Xallinta dhibaatada

Qoysaska badankooda waxa muddoyinka qaar soo mara dhibbaatooyin iyo khilaafyo. Khilaafyadu waxa ay dhexmari karaan dadka waaweyn, ilmaha iyo qofka weyn iyo walaalaha dhexdooda. Waa qayb dabiici ah oo ka mid ah nolosha qoyska. Marka khilaafku soo jiitamo muddo dheer waxa ay u muuqan kartaa in aanay suuragal ahayn in xal la helo. Arrinkaasu waxa uu daal iyo culays ku keenayaa qoyska oo dhan.

Waxa aad adeegsan kartaan mabaadiida xallinta dhibbaatooyinka si aad xal ugu heshaan khilaafyada iyo dhibbaatooyinka. Waxa loo adeegsan karaa in la qorsheeyo dhadhaqaaqyo qorshaysan, in la xalliyo dhibbaatooyinka yaryar iyo khilaafyada waaweyn. Mabaadiidan waxa loo adeegsan karaa wadahadalada qoyska dhexmara, si la isu fahmo iyo in si wadajir ah loo helo xallal cusub. Ilmaha ayaa isna ku dareemaya in uu saameyn ku leeyahay qaybaha kala duwan ee u muhiimka ah noloshiisa.

Astaamaha xallinta dhibaatada ee wacan:

  • Ujeedada/himilada si fiican u qeex: Si wacan u dhig, si la taaban karo, hore u feker
  • Ururiya fikradaha ku saabsan qaabka wax loo xallin karo: Fikradaha oo dhan way wacan yihiin, si cusub u feker, furfurnow
  • Qiimeeya qaababka wax loo xallin karo: Ka dooda. Tuura fikradaha wacnayn. Isku dara fikradaha wacan.
  • Dejiya qorshe: Doorta xal wacan. Wax suuragal ah doorta.
  • Qora heshiis: Si cad u qora. Tijaabiya. Abaalmarin bixiya marka aad ku guulaysataan.

Tallooyin ku saabsan ka hortagga xalaadaha adag:

  • Qorshee maalinta. Marka maalintii la saadaalin karo, waxa ilmaha u fududaanaysa in uu la qabsado. Waxa inta badan yaraanaya halista habdhaqanka xun iyo khilaafyada. Sida kalena waxa ay ka qaybqaadanaysaa in wadadhaqanka waalidka iyo carruurtu sii wacnaato.
  • Xilli hore xalli khilaafyada. Haddii khilaafyada yaryar si wadajir ah loo xalliyo xilli hore, waxa laga hortagayaa in khilaafyadu sii weynaadaan.
  • Gorgortama. Gorgortanka u dhaxeeya waalidka iyo carruurta, ee dhan kasta aragtidiisa la dhegaysanayo, waxa ay ka hortagaysaa xaaladaha khilaafyada.

Xirfada khilaaf xallinta, ee ay leeyihiin waalidka iyo carruurtu, waxa ay qof kasta ka caawinaysaa in uu arko qaababka kala duwan ee loo xallin karo xaaladaha adag. Qoysaska leh carruur qabta dhibbaatooyin la xiriira habdhaaqanku waxa inta badan ka jira khilaafyo adag, marka la barbar dhigo qoysaska kale.  Haddii arrimahaasi idin soo maraan waxannu idin kula talinaynaa in aad raadsataan caawimo khabiireed. PMTO waxa ay waalidku ku baranayaan farsamooyin qaabeysan oo lagu xalliyo dhibaatooyinka, oo loogu talogalay qoyskooda.

 



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.