Amaan iyo guubaabo

Carruurtu waxa ay u baahan tahay in ay ogaato in waalidku jecel yihiin. Qaababka ay waalidku ku muujin karaan arrinkaas waxa ka mid ah in ilmaha la siiyo dareen, amaan iyo dhiirigelin. Marka ilmaha la siiyo dhiirigelin waxa ilmuhu dareemayaa in uu haysto taageero, waxaanu aaminayaa in uu hawlo kalena ka gudbi karo. In aamaan iyo dhiirigelin lagu barto xirfaddo cusub waa qaab wacan oo wax loo barto.

Carruurtu waxa ay sii kordhisaa talaabooyinka u soo jiidaya dareenka dadka waaweyn. Waxa ay waalidku u baahan yihiin in ay dareenka siiyaan waxa wanaagsan ee ilmuhu sameeyo. Amaanta iyo dhiirigelintu waxa ay ka qaybqaadanaysaa in ilmuhu uu badiyo habdhaqanka la rabo. Kalsoonida ayaa xoogeysanaysa, xiriirka u dhaxeeya waalidka iyo carruurta ayaa ka soo raynaya, jawiga qoyska ayaa sii wacnaanaya, ilmuhuna waxa uu u nuglaaan doonaa waxbarashada iyo xiriirka.

Halis maaha in lagu badiyo amaan iyo dhiirigelin. Amaanta iyo dhiirigelintu ma keenaan wax cillado ah.

 

Astaamaha amaanta wacan:

1. Amaantu waa toos waana khaas

”Samayntii sawirkaa fiican midabbo badan ayaad ku isticmaashay” Intaad dhihi lahayd “Waa sawir fiican.”

2. Waxaa wax lagu amaanaa dhabdhaqan ama dhammaystir cusub oo kii hore ka fiican

“Way fi ican tahay inaad goor hore baxday oo aad dugsigii wakhtigiisii ku gaartay” Intaad dhihi lahayd “Way fi ican tahay inaad dugsigi aadday”

3. Amaantu waa wax fiican oo keliya faalloxunna lagama daba geeyo

“Aad bay u fi ican tahay inaad shaqadii guriga oo dhan dhammaysay qadada ka hor” Intaad dhihi lahayd “Aad bay u fiican tahay inaad shaqadii guriga oo dhan dhammaysay qadada ka hor, maad maalin kasta sidaa samaysid, sida gabadha walaashaa ah”

4. Amaantu waa gaaban tahay waana kal iyolaab

”Si fiican ayaad ii caawisay oo miiski ayaad weelashi ka qaadday. Mahadsanid”  Intaad dhihi lahayd ”Adduunka adigaa ugu caawin badan. Saaka shaqo aad u fiican ayaad qabatay oo saxammadi oo dhan ayaad inta soo saartay oo kushiinka keentay ayaad meesha lagu dhaqo ku ridday oo haraagi ka gurtay, markaasaad."

5. Waxaa wax lagu amaanaa luuqad carruurtufahmayaan

“Waad ku mahadsan tahay inaad hadalkeygi maqashay oo aad iga aammustay intaan teleefoonka ku hadlayey.”  Intaad dhihi lahayd “Aad baan kaaga mahadinayaa tixgelintaadii iyo falcelintaadii munaasibka ahayd ee ku aaddanayd dalabkeygii ahaa inaan lay mashquulin intaan teleefoonka ku hadlayo”

 

Carruurta qabta dhibbaatooyinka habdhaqan waxa ay si dheeraad ah ugu baahan yihiin warcelino wacan oo waadix ah.  Khibradaha ayaa sheegaya in aanay ku filneyn in la siiyo amaan iyo dhiirigelin caadi ah.  PMTO waxa aad ku baranaysaa nidaamyo dhiirigelin oo kala duwan. Kuwaas waa la soo xulayaa, waxaanay ilmahaaga siinayaa dhiirigelin dheeraad ah oo ku barto xirfadaha ilmahaagu u baahan yahay.



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.