Marka aynu xanaaqno – kantaroolida dareenka xun

Waalidka oo dhan waxa muddooyin soo mara culaysyo ku abuura degenaansho la’aan taasoo saameyn ku yeelata xiriirka ay la leeyihiin carruurta. Waalidka waxa la soo gudboonaan kara daal, murugo, dhibaato qoys, xannuun, shaqo badan ama werwer dhaqaale. Culaysyada noocaas ahi waxa ay keenaan falcelin ka timaadada degenaansho la’aanta sida quus, niyad-jab, xanaaq, cabsi, xannuun, cadho ama wax la mid ah. Si aad uga hortagtid in arrimahin saameyn ku yeeshaan la jooga ilmaha, waxa fiican in aad baratid kartida kantaroolida dareenada xun.

Marka aad waalid ahaan baratid in aad kaantarooshid dareenadaada xun, waxa kuu fududaanaya in aad ilmahaaga u tarbiyadeysid sida aad rabtid. Marka aad ku guulaysatid in aan degenaanshuhu kaa lumin marka adiga iyo ilmuhu isku kacsan tihiin, ama aad ku guulaysatid in aad ilmaha dareen siiso inkasta oo  aad ku jirtid murugo ama wax la mid, waxa aad tusaale wacan u tahay ilmahaaga.

Marka ay inagu timaado degenaansho la’aan, waxa saameny xun ku reebaysaa jidhkeena, dareenkeena iyo fikradaheena. Si looga hortaggo dareenadan xun waxa inta badan wacan in laga bilaabo wax jidhka ka saaraya dareenka deganaansho la’aanta – tusaale ahaan

 

Fikrado ku saabsan waxyaalaha aad samayn kartid si aad isu qabatid, xaaladdaadana u wanaajisid markay karkabo ku dhibto

  • Soo lugee ama jimicso
  • Dhegayso muusig
  • Samee jimicsi is-kala-bixin ah
  • La hadal qof saaxiib ah
  • Wax kulul cab
  • Samee dhaqdhaqaaq aad jeceshahay

Marka ay ilmaha ka yimaadaan xaalado adag waxa fududaan karta in xitaa waalidka uga jawaabaan si xanaaq ah. Marka aynu isu muujino xanaaq iyo kulayl, waxa sii xoogeysanaya kulaylkii waalidka iyo ilmahaba. Waxa sii kordhaya suurtagalnimada in xanaaq kale timaado iyo in khilaafku sii xoogeysto.

 

Fikrado ku saabsan waxa aad samayn kartid marka ay yimaadaan xaalado adag adna aad xanaaqdid:

  • Tiri
  • Neefta aad u jiid oo qunyar neefso
  • Ka durug
  • Wax kale ka feker
  • Taageero ka raadso lamaanaha ama saaxiib

Marka ay waalidku kaantaroolaan dareemadooda xun waxa sii wacnaanaya xiriirka ay la leeyihiin carruurta, waxaana laga fursanayaa in dhibaatada waalidku dhib ku keento carruurta. Haddii ay kugu timaado in adiga iyo ilmahaagu gasheen xaalad xun, waxa lagugu talinayaa in aad raadsatid caawimo khabiir. PMTO waxa aad ku baranaysaa xeelado habboon oo loogu talogalay kantaroolida dareenada.

 

 



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.