La soco – ilaalin iyo la-socosho

Marka carruurtu yaryar yihiin waxa la ilaaliyaa oo lala socdaa inta badan habeen iyo maalinba. In lala socdo waxa ilmuhu samaynayo waa muhiim si loo gashaamo oo loo sugo amniga ilmaha. Marka ilmuhu waynaado waxa tarttiib-tartiib isbeddelaya qaabka loo ilaalinayo.

Ilaalinta iyo la-socoshada waxa loo qaybin karaa saddex qaybood:

U-fiirsasho. Waalidku waa in ay dareemaan waxa carruurtu samaynayso. Waxa ka mid ah in la ogaado waxa carruurtu samaynayso marka aanay la joogin waalidka.

La soco. Waalidku waa in ay ogaadaan meesha ilmuhu joogo, cidda uu la joogo, waxa uu samaynayo iyo marka uu guriga imanayo.

Sahlid. Waalidku waa in ay sahlaan oo qaabeeyaan maalmaha si carruurtu u hesho khariirad/xayndaab ay raacdo, waana in waalidku ay nolosha carruurta uga qaybqaataan qaab dhiirigelinaya horumar togan/wacan.

 

Baahida ilaalinta iyo la-socoshadu waxa ay ku xidhan tahay da’da ilmaha iyo qaabka ilmuhu u dhaqmo. Bar-kulamada internetka (sosial media) ee cusub ayaa waalidka hawl dheeraad ah ku kordhiyey, taasoo u baahan la-socosho dheeraad ah.

 

Carruurta qabta dhibbaatooyinka la xiriira habdhaqanku waxa ay u baahan yihiin ilaalin iyo la socosho dheeraad ah marka la barbardhigo carruurta kale. Waxa ay badiyaan falalka aan la rabin marka ay ogyihiin in qof weyni ilaalinayn. Waxa ay fudud ula xiriiraan carruurta kale ee qabta dhibbaatooyinka la xiriira habdhaqanka, waxaanay inta badan dhexgalaan xaalado adag. Haddii aanay waalidku la socon waxa ilmuhu samaynayo iyo cidda uu la joogo, waxa sii kordhaya suurtagalnimada in ilmuhu ku dhaqaaqo falal aan la rabin. PMTO waxa ay waalidku ku baranayaan in ay abuuraan nidaam sugan oo ay kula socdaan ilmaha, oo ay kaga adkaadaan waxyaalaha u diidaya ilaalin wacan.

 



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.