Farriimo fiican

Macne weyn ayey leedahay bixinta farriimuhu.  In waalidku bixiyo farriimo fiicani waa talaabada u horeysa ee la qaadayo si wadashaqayn fiican loola yeesho ilmaha. Marka ay waalidku bixiyaan farriimo fiican oo waadix ah, waxa sii badanaya suurtgalnimada in ilmuhu sameeyo sida waalidku faro. Arrinkaasi waxa uu qayb ku leeyahay dhiirigelinta sidii gurigu u yeelan lahaa jawi wadashaqayn oo fiican.  Ilmaha wadashaqaynta oggol waxa u kordhaya fursadaha horumar ee u uka helayo guriga, saaxiibada iyo dugsiga/xannaanada carruurta.

Astaamaha lagu yaqaanno farriimaha ee wadashaqaynta sare u qaada:

  • hubso in ilmuhu ku soo jeedo inta aanad farriinta siin
  • isku day in aad indhaha ka fiirisid
  • u dhawoow ilmaha
  • si sugan u sheeg waxa aad rabtid in ilmuhu sameeyo
  • warkaaga cadee oo ereyo fudud adeegso
  • xushmad muuji, go’aana muuji
  • markiiba hal farriin keliya sii
  • sug ilaa inta ilmuhu fulinayo farriinta
  • iska ilaali muran iyo dood
  • amaan ilmaha marka uu adeeco farriinta

Carruurta ay ku adag tahay in ay adeecaan farriimahu waxa ay u baahan yihiin caawimo dheeraad ah. Bxinta farriimuhu waa xirfadda ugu horeysa ee lagu barto PMTO. Waalidku waxa ay baran doonaan waxa astaan u ah farriimaha fiican, qaabka loo bixiyo loona dabogalo, iyo qaabka ay farriimaha fiican u kordhinayaan suurtagalnimada in ilmuhu oggolaado wadashaqayn.



Dette nettstedet bruker informasjonskapsler. Les mer om informasjonskapsler her. Ikke vis denne meldingen igjen.