Su'aalaha dhibaatooyinka habdhaqanka

1. Waa maxay dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka?

2.Markee ayey noqotay dhibbaato u baahan in wax laga qabto?

3.Khaladka waalidiinta miyaa in cunuga uu qabo dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka?

 

 1. Waa maxay dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka?

Dhibaatooyinka waaweyn ee la xiriira habdhaqanka ee ka dhex jira carruurta jirta da'da dugsiga ka hor iyo dugsiga hoose waxaa badanaa lagu sifeeyaa:

  • Murano soo noq-noqda oo ay la galaan dadka waaweyn
  • Dhirif soo noq-noqda
  • Dareen mucaaridnimo ay u qaadaan dadka waaweyn ama diididda cadeecidda farriimaha ka imaada dadka waaweyn
  • Si ula-kac ah u dhibidda dadka kale
  • Jebinta sharciyada iyo la qabsasho la'aanta kuwa ay isku faca yihiin
  • Ku kacsanaanta dadka kale; cadaawad iyo aarsi-doon
  • Ku eedeeya dadka kale khaladaadkooda
  • Been sheegid iyo wax xadid
  • Aan lahayn xirfadaha bulshada

Carruurta waaweyn/dhallinyarada qaba dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka waxay sida badan muujiyaan sifooyin kale, sida goo-goysnimo xagga dugsiga, wax xadid, kharribaad, gacan-qaad iyo maandooriye isticmaalid.

Si loogu sifayn karo dhibbaato habdhaqan, waxa habboon in dhibbaatada wadadhaqan ee u dhaxaysa ilmaha iyo waalidku socotay ugu yaraan sannad barkii.

 

 


 2. Markee ayey noqotay dhibbaato u baahan in wax laga qabto?

Dhammaan carruurta mararka qaarkood waxay muujiyaan mucaaridnimo, ayadoon tani aysan ahayn dhibaato weyn oo la xiriirta habdhaqanka.

"Xeerka 70% " ayaa sida badan la isticmaalaa.  Haddii cunug uu u dhaqmo si habboon uuna sameeyo waxa asaga ama ayada loo sheego 70% waqtiga, markaasi cunuga wuxuu ka mid yahay kooxda carruurta ee caadiga ah. Carruurta qabta dhibaatooyinka waaweyn ee la xiriira habdhaqanka sida badan si habboon uma dhaqmaan in ka badan 0-20% waqtiga.

Carruurta qaadata daaweynta PMTO waxay muujiyaan heerar kala duwan oo ah dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka. Kuwo badan waxay lee yihiin dhibbaatooyin kale, oo ah khalkhal ku yimaada habdhaqanka oo mucaaridnimo ah ama khalkhal weyn oo ku yimaada habdhaqanka..

Si kastaba wax badan ayaa laga faa'iidi karaa PMTO xataa haddii cunuga uusan lahayn xanuun, ama dhibaatooyin aad u daran.

Haddii cunug uu muujiyo dhowr ka mid ah sifooyinka hoose, waalidiintu faa’ido ayey ka heli karaan PMTO:

  • Cunuga si fudud ayuu u khilaafayaa dadka waaweyn iyo carruurta kale.
  • Cunuga sida badan wuu diidayaa in uu sameeyo waxa dadka waaweyn u diraan.
  • Cunuga sida badan mucaaradnimo ayuu muujiyaa.
  • Cunuga rabitaan badan ma u muujiyo in uu la qabsado dadka kale.
  • Cunuga waxaa ku adkaaneysa in uu la qabsado ciyaarta kuwa ay isku da'da yihiin.

Carruur badan oo yeesha dhibbaatooyinka habdhaqanka waxa la ogaan karaa marka ay saddex sanno jiraan. Carruurta qaar waxa dhibbaatooyinka habdhaqanka lagu arkaa muddo keliya, laakiin marba marka dhibbaatadu ka soo horayso, ayey u sii badnaanaysaa in ilmuhu qaado dhibbaatooyin waaweyn oo la xiriira habdhaqanka. Laakiin hadana carruurta yaryar ayey daweyntu si dhakhso ah waxtar ugu yeelataa. Taas daraadeed waa muhiim in carruurtaas la oggaado xilli hore oo la siiyo adeeg wacan. Taasi waxa ay ka hortagi kartaa dib-u-dhac ku yimaada.

 

 


 3. Khaladka waalidiinta miyaa in cunuga uu qabo dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka?

Sababaha ay carruurta u qaadaan dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka waa kuwo isku dhafan.

Daweeynta PMTO ahmiyad ma siiso qofka lagu eedeynayo in ”arrimaha ay noqdeen sida ay yihiin". Bartilmaameedku waa xallalka iyo in isbaddel fiican ku yimaado wadadhaqanka waalidiinta iyo carruurta.

Marar badan ayey dadka waaweyn iyo carruurtu waxay galaan hannaan is-mariwaa ah oo wanaagsanayn oo aysan ka bixi karin caawimaad la'aan. Marka waalidiinta iyo carruurta aysan ka bixi karin hannaankan aan wanaagsaneyn, waa muhiim in ay helaan caawimaad.

Isbaddelku waa in uu ka bilowmo in waalidiinku baddelo habka ay ula dhaqamayaan cunugooda.

Daaweynta PMTO waxay xooga saartaa in ay waalidiinta ka caawiso arrinkaas. Marka la baddelo habka wadadhaqanka waxa la dhiirigelinayaa horumarka ilmaha..



We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.