Adeegyada qoysaska

TIBIR waxay u taagan tahay ”Tidlig innsats for barn i risiko” ("Faragelinta waqtiga hore ah ee carruurta halista ku jirta"). Waa barnaamij loogu talagalay ka hortaga iyo daaweynta dhibaatooyinka  la xiriira habdhaqanka carruurta.

PMTO waa ereyo kooban oo laga soo gaabiyey Parent Management Training – Oregon. Waa adeeg kaabigiisu hooseeyo oo loogu talagalay waalidiinta carruurtoodu qabto dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka. 

PMTO waxaa laga bixiyaa adeegyada dawliga ah ee loogu talogalay dhallinyarada iyo carruurta ee ku yaala Noorwey.

Kooxaha waalidiintu waa mid ka mid ah tallaabooyinka barnaamijka ka hortagga ah ee Faragelinta waqtiga hore ee carruurta halista ku jirta (TIBIR).  Tallaabada waxaa lagu saleeyaa mabda'yada habka daaweynta Parent Management Training- Oregan (PMTO).

La-talin waalideed waa mid ka mid ah tallaabooyinka barnaamijka ka hortaga Faragelinta waqtiga hore ee carruurta halista ku jirta (TIBIR).  Tallaabada waxay dhacaysaa muddo waqti ah oo gaaban waxayna ku dhisan tahay mabda'yada ku jira habka daaweynta Parent Management Training– Oregon (PMTO)

Talo-bixintu waxa ay ka mid tahay waxqabadka barmaamijka ka hortagga ah ee Tidlig Innsats for Barn i Risiko (TIBIR). Waxqabadku waxa uu ku salaysan yahay mabaadiida farsamada daweynta ee Parent Management Training – Oregon (PMTO) iyo qaabka waxqabad ee PALS (habdhaqan togan, jawi waxbarasho oo taageero leh iyo wadashaqayn xagga dugsiga ah).

Tabobarka xirfadaha bulashanimo waxa ay ka mid tahay barmaamijka ka hortagga ah ee Tidlig Innsats for Barn i Risiko (TIBIR). Waxqabadku waxa uu ku salaysan yahay mabaadiida farsamada daweynta ee Parent Management Training – Oregon (PMTO) iyo barmaamijka Stop Now and Plan (SNAP), waa farsamo maskaxeed oo ah daweynta habdhaqanka oo lagu abuurtay Child Developmental Institute i Toronto, Canada.

U-kuurgalku waxa uu ka mid yahay barmaamijka ka hortagga ah ee Tidlig Innsats for Barn i Risiko (TIBIR).

The Norwegian Center for Child Behavioral Development (NUBU) waa shirkad hoos timaada UniRand AS, oo ay milkayadeeda iska leedahay Jaamacadda Oslo.

Xaruunta waxay ka shaqeysaa su'aalaha la xiriira caruurta iyo dhallinyada qabta dhibaatooyinka waaweyn la xiriira habdhaqankooda.



We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.