La-talin waalideed

La-talin waalideed waa mid ka mid ah tallaabooyinka barnaamijka ka hortaga Faragelinta waqtiga hore ee carruurta halista ku jirta (TIBIR).  Tallaabada waxay dhacaysaa muddo waqti ah oo gaaban waxayna ku dhisan tahay mabda'yada ku jira habka daaweynta Parent Management Training– Oregon (PMTO)

Yaa loogu talagalay adeegan?

La-talin waalideed waxaa la siiyaa waalidiinta haysata carruur da'doooda u dhaxeysa 3 ilaa 12 sannadood jir kuwaas oo muujinaya calaamadaha soo muuqanaya ee dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka.

Waa maxay hadafka la-talintu?

La-talinta waalidka waxa looga jeedaa in qoyska la caawiyo xilliga ugu horeeya ee ugu suurtagalsan. Iyadoo la siinayo wadahadalo la talin ah iyo tilmaamo ayaa waalidka laga caawinayaa sidii ay uga hortegi lahaayeen dhibaatooyin habdhaqan oo soo bilaabmaya, iyo in ay ka qaybqaataan sidii ilmuhu u samayn lahaa horumar.

Sida aan u shaqeyno

  • Wada-hadalo toddobaadle ah oo lala yeelanayo la taliyeha waalidka.
  • 3-5 kulan qoys kasta.
  • Waxa habboon in labada waalidba ka soo qaybgalaan haddii ay wada degan yihiin. Beddel ahaan, adeer ama eeddo ilmuhu la nool yahay waa ay ka soo qaybgeli karaan
  • Tusaalooyin ah mawduucyada ku jira kullamada la-talineed:
    • Wada-shaqayn iyo fariimo wacan
    • Barashada farsamooyin cusub iyadoo si nidaamsan loo adeegsanayo ammaanid iyo dhiirigelin.
    • Xudduud u samaynta
    • Ilaalin iyo la-socosho
    • Xallinta-dhibaatada la xiriirta caqabadaha maalin kasta ka dhex jira qoyska. Waalidiinta waxay tababar ku qaadanayaan sidii ay ilmaha ula macaamili lahaayeen qaab dib uga celin kara isbeddel xun.

 



We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.