Su'aalaha daaweynta PMTO

1. Waa maxay hadafka daaweynta PMTO?

2. Daaweynta maxay ka kooban tahay?

3. Tani ma shaqeynaysaa?

4. Waa maxay kala duwanaanshaha u dhaxeeya PMTO iyo adeegyada kale?

5. Yaa waaye daaweeyeyaasha PMTO?

6. Miyay tahay in cunugeyga uusan ka qaybqaadanin daaweynta?

7. Halkee ayaan ka heli karnaa daaweynta PMTO aniga iyo cunugeyga?

 

 


1. Waa maxay hadafka daaweynta PMTO?

Hadafka daaweynta waa sidii ay waalidka iyo ilmuhu dib ugu soo ceshan lahaayeen xiriir togan oo ka dhexeeya. Habdhaqanka mucaaradnimada ah  ayaa la dhimayaa, waxaana la dhiirigelinayaa horumarka/isbeddel wanaagsan.

Haddii la xoojiyo doorka tarbiyadeed ee waalidku leeyihiin waxa u fududaanaysa in ay carruurt ula dhaqmaan si habboon. Waxaa xiga, in tani ay keenayso in carruurta ay bartaan xirfadaha bulshanimo ee caadiga ah waxayna dhimaysaa dhicitaanka dhibaato habdhaqan.

 

 


 2. Daaweynta maxay ka kooban tahay?

Barnaamijka PMTO waxaa ka mid ah wada-shaqeyn dhow uu u dhaxeeya daaweeyaha iyo qoyska.

  • Waxaa jira kullamo toddobaadle ah oo u dhaxeeya daaweeyaha iyo waalidiinta
  • Cunuga wuxuu uga qaybgalayaaa kullamada haddii loo baahdo.
  • Waxa miisaanka la saarayaa awoodaha qoyska.
  • Waalidiinta iyo daaweeyaha waxay ka wada-shaqeynayaan sameynta hadafyada guud ah iyo kuwa raacsan ee loogu talagalay daaweynta.
  • Waxa habboon in labada waalidba ka soo qaybgalaan haddii ay wada degan yihiin. Beddel ahaan, adeer ama eeddo ilmuhu la nool yahay waa ay ka soo qaybgeli karaan
  • Waalidiinta waxa la barayaa sidii ay wadadhaqan waxtar leh ula yeelan lahaayeen ilmaha
  • Si wadajir ah ayaa hadafyada loo qiimaynayaa muddada daaweyntu socoto oo dhan.
  • Daaweynta waxay sida caadiga ah socotaa inta u dhaxeeysa 6 ilaa 9 bilood.

 


3. Tani ma shaqeynaysaa?

Daaweynta PMTO waxay waxtar u leedahay labadaba wixii ku saabsan yareynta dhibaatada la xiriirta habdhaqanka iyo wixii ku saabsan kobcinta habdhaqanka bulshanimo ee loo baahan yahay.

Ayadoo loo maraya daaweynta PMTO, xubnaha qoyska waxay sare u qaadayaan isku wadadhaqankooda. Waxaa xiga, in tani ay sare u qaadeyso suurtagalnimada ah in qoyska uu si wanaagsan u wada shaqeeyo waxay yareynaysaa suurtagalnimada ah in cunuga uu sii kordhiyo habdhqankiisa dhibaatada ah.

Waxaa sidoo kale oo la xaqiijiyey in daaweynta PMTO ay keentay sare u kaca dhicitaanka:

  • Xiriirada fiican ee saaxiibada
  • Natiijo wacan xagga waxbarashada
  • La qabshadada dugsiga

 

 


4. Waa maxay kala duwanaanshaha u dhaxeeya PMTO iyo adeegyada kale?

Waxaa jira adeegyo badan oo kala duwan oo loogu talagalay carruurta qabta dhibaatooyinka la xiriirta habdhaqanka iyo qoysaskooda.

Hal qodob oo muhiim ah marka la dooranayo adeeg, waa ilaa heerka la cadeyn karo in adeeggu waxtar leeyahay. PMTO waa barnaamij cilmi-baaris ku saleysan. Waxaa la cadayn karaa in barnaamijku uu keenayo isbaddelo fiican oo joogto ah, xagga yareynta dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka iyo sare u qaadidda wadadhaqanka u dhaxeeya waalidiinta iyo carruurta.

La xiriira waxa uu ka kooban yahay, waxaa jira laba shay oo PMTO ka duwaya barnaamijyo badan oo kale.

 

Labo wax ayey ku kala duwan yihiin PMTO iyo adeegyada kale marka la eeego waxa ay ka kooban yihiin.

Ugu horreyn, daaweynta waxay ugu badnaan ahmiyadda-saareysaa waalidiinta. Hadafka waa xoojinta xirfadaha waalidiinta, oo sidaa lagu gaaro in xaaladda ilmaha iyo qoysku guud ahaanba ka soo rayso. Kani waa isbaddel farsameed, ayadoo barnaamijyo badan oo kale u daaweynayaan carruurta si shakhsi ahaaneed. Daaweynta PMTO, waalidiinta waxaa loogu tixgeliyaa in ay yihiin caawiyeyaasha ugu muhiimsan ee cunugu leeyahay. Waa in dib loo  soo celiyo xiriir fiican ayadoo waalidiinta ay baddelayaan wadadhaqanka ay la yeelanayan cunuga.

Sida kale waxa ay daaweyntu ka kooban tahay in waalidku wakhti geliyaan in ay bartaan farsamooyinka la isticmaalo, kuwaas oo ay adeegsan karaan marka ay ilmaha la joogaan guriga. Daaweynta waa mid ku jihaysan fal qabasho waxayna u qaadanaysaa in waalidiinta ay yihiin kuwa firfircoon iyo in ay bilaabayaan isdhexgal hubaal ah oo ay la yeelanayaan cunuga.

 

 


5. Yaa waaye daaweeyeyaasha PMTO?

Si qofku u noqdo daaweeye PMTO waxa shuruud ah in uu haysto shahaado machad sare oo seddax sanno ah oo ah caafimaadka iyo daryeelka bulshada, ama baddal ahaan shahaado jaamacadeed oo ah cilmi-nafsi, waxbarista ama caafimaad, sida kale waxa laga doonayaa in ay yeeshaan khibrad la xiriirta bukaan eegid.

Waxay sidoo kale qaataan tababar ballaaran oo sii socda oo farsamada ah, iyo tusaaleyn soconaysa oo waajib ah. Waxbarashadani waxa ay daweeyayaasha siinaysaa tilmaamo sheegaya waxa ay saacad kasta isla soo qaadayaan waalidka, laakiin hadana waa in isla markaa qoyska si gaar ah loogu qorsheeyo.

 

 


6. Miyay tahay in cunugeyga uusan ka qaybqaadanin daaweynta?

Cunsurka ugu muhiimsan ee la xiriira ka hortagidda iyo daaweynta dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka waa heerka waalidiinta ay u isticmaalayaan xirfadaha barbaarinta muhiimka ah sida ka qaybgalidda hubaalka ah, xudduud u samaynta iyo ilaalinta.

Bartilmaameedka ugu muhiimsan ee daaweynta PMTO waa sare u qaadidda xirfadaha barbaarineed  ee waalidiinta u keenayaan wadadhaqanka ay la samaynayaan carruurtooda.

Carruurta in xoogaa ah ayey ka qaybgalayaan daaweynta.. Carruurta waxay ka qaybgalayaan bilowga daaweynta, marka daaweeyaha uu fiirinayo wadadhaqanka u dhaxeeya waalidiinta iyo carruurta. Tani waxaa lagu celiyaa dhammaadka daaweynta. Heerka ay carruurta ugu qaybgalayaan inta lagu guda jiro marxaladaha u dhaxeeya way isbad-beddalayaan. Tusaale ahaan, cunuga wuxuu xaadirayaa kullumo haddii waalidiinta ay doonayaan jawaab-celin ku saabsan sida loo xallinayo caqabadaha gooniga ah ee ah wadadhaqanka ay la yeelanayaan cunuga, ama haddii cunuga uu doonayo in uu ka qaybgalo.

Waxaa intaasi sii dheer, in tiro carruur ah ay qaadanayaan tababar xirfadaha bulshanimada ah oo bar-bar socda tababarka PMTO oo ay waalidiinta qaadanayaan.

 

 


7. Halkee ayaan ka heli karnaa daaweynta PMTO aniga iyo cunugeyga?

Waxaan jira daaweeyeyaal PMTO gebi ahaan Noorwey, tiradoodana way sii kordheysaa.

Barnaamijyada PMTO waxaa bixiya hay’ado/adeegyo kala duwan:

  • Kuwo ka mid ah degmooyinka/rugaha caafimaadka/adeegyada la talinta waxbarashada iyo cilmi-nafsiga la xiriirta/hay’adda gaashaanka carruurta (barnevern)
  • Bukaan-socod eegtada xannuunka nafsadeed ee dadka da'yarta ah iyo carruurta
  • Waaxda Arrimaha Qoyska, Dhallinyarada iyo Carruurta (Bufetat)
  • Xafiisyada la-talinta qoyska qaarkood

Si aad ula xiriirtid barnaamijka PMTO ee u dhow meesha aad ku nooshahay, geli koodhka boosta liiska ku yaala dhanka midig. La xiriiir si aad ula qaadatid kullan aan rasmi ahayn.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.