PMTO

PMTO waa ereyo kooban oo laga soo gaabiyey Parent Management Training – Oregon. Waa adeeg kaabigiisu hooseeyo oo loogu talagalay waalidiinta carruurtoodu qabto dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka. 

PMTO waxaa laga bixiyaa adeegyada dawliga ah ee loogu talogalay dhallinyarada iyo carruurta ee ku yaala Noorwey.

Yaa loogu talagalay adeegan?

Adeega waxaa loogu siiyaa qoysaska haysta carruurta da'dooda u dhaxeysa 3 ilaa 12 sannadood oo qaba dhibaatooyin la xiriira habdhaqanka.

Waa maxay hadafka daaweynta?

Hadafka daaweynta waa sidii ay waalidka iyo ilmuhu dib ugu soo ceshan lahaayeen xiriir togan oo ka dhexeeya .. Habdhaqanka mucaaradnimada ah  ayaa la dhimayaa, waxaana la dhiirigelinayaa horumarka/isbeddel wanaagsan.

Qaabkee ayaannu u shaqaynaa?

Adeega PMTO waxa uu ka kooban yahay wada-shaqeyn dhow oo u dhaxeeysa daaweeyaha iyo qoyska.

  • Waxaa jira kullamo toddobaadle ah oo u dhaxeeya daaweeyaha iyo waalidiinta
  • Waxa habboon in labada waalidba ka soo qaybgalaan haddii ay  wada degan yihiin. Beddel ahaan, adeer ama eeddo ilmuhu la nool yahay waa ay ka soo qaybgeli karaan.
  • Ilmuhu wuu ka soo qaybgeli karaa kullamada haddii loo baahdo.
  • Waalidiinta waxa la barayaa sidii ay wadadhaqan waxtar leh ula yeelan lahaayeen ilmaha.
  • Waxa miisaanka la saaraya qaybaha wacan ee wadadhaqanka.
  • Waalidiinta iyo daaweeyaha waxay ka wada-shaqeynayaan sameynta hadafyada guud  iyo ujeedooyinka raacsan ee loogu talagalay daaweynta.
  • Waalidiinta iyo daaweeyaha waxay si wadajir ah u qiimaynayaa hadafyada gebi ahaan inta lagu guda jiro daaweynta.
  • Si wadajir ah ayaa hadafyada loo qiimaynayaa muddada daaweyntu socoto oo dhan.
  • Daaweynta waxay sida caadiga ah socotaa inta u dhaxeeysa 6 ilaa 9 bilood.

 

 



We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.