Hadmaan caawin raadsadaa?

Marka habdhaqanka aan wanaagsanayn soo noqnoqdo

Waalidiinta waxaa laga yaabaa in ay kala kulmaan caqabado badan korinta carruurtooda.  Markasta ma sahlana in la oggaado sida loo wajahayo cunug aanan dhageysaneynin waalidiintiisa ama waalidiinteeda, kaas oo madax-adag, mucaarad ah, ama laga yaabee in uu isticmaalo luuqad xun, hanjabaado, dadka wax ku dhufto, laado ama qaniino. Cunug kasta waxaa laga yaabaa in uu u dhaqmo habkan mararka qaarkood, balse haddii habdhaqanka noocan ah uu noqdo mid isdabajoog ah oo socda muddo waqti dheer ah, waaliddiintuna ay dareemaan in ay bilaa talo yihiin, waxaa laga yaabaa in ay u baahan yihiin cid caawisa.

 

Adeegyadee ayaa ku habboon qoyskeyga?

Waa muhiim in la kala saaro xogta iyo talada guud ee ku saabsan cunug xannaaneynta, iyo waxqabadka loogu talogalay waalidiinta carruurta qabta caqabado gooni ah oo ay waalidiintu doonayaan in ay ka hortagaan ama ay daaweeyaan.  PMTO iyo TIBIR waa adeegyo loogu talogalay waalidiinta carruurta qaadey ama muujiya calaamadaha waqtiga hore ee dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka.

Haddii aad waalid ahaan dareentid in aadan ku qanacsanayn doorkaaga hooyanimo/aabanimo iyo/ama aad caqabado badan kala kulantid cunugaaga, waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad la soo xiriirtid mid ka mid ah adeegyadeena oo aad nala yeelatid wadahadal shuruudo lahayn. Adeegyadan ma laga helo degmooyinka oo dhan. Markaasoo kale waxa aannu kugula talinaynaa in aad la xiriirtid rugta caafimaadka dhallaanka iyo hooyada (helsestasjon), PPT, hay’adda gaashaanka carruurta (barnevernet) ama  meelo la mid ah.

Haddii aad doonaysid in aad akhrisid wax badan oo ku saabsan sida ula macaamili kartid habdhaqanada caqabadda leh ee cunugaaga, waxaan ku talinaynaa buugaagtan:

  • ”Foreldrehjelpen  - Oppdragelse som virker”  oo ay qoreen Egil Launes iyo Knut Halfdan Svendsen.
  • "The Incredible Years" oo ay qortay Carolyn Webster-Stratton.
  • ”PMTO Foreldretrening for familier som har barn med atferdsvansker" oo ay qoreen Elisabeth Askeland, Anett Apeland iyo Roar Solholm.

 

 



We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.