TIBIR

TIBIR waxay u taagan tahay ”Tidlig innsats for barn i risiko” ("Faragelinta waqtiga hore ah ee carruurta halista ku jirta"). Waa barnaamij loogu talagalay ka hortaga iyo daaweynta dhibaatooyinka  la xiriira habdhaqanka carruurta.

Yaa loogu talagalay adeeggan?

TIBIR waa adeeg loogu talagalay qoysaska haysta carruurta u dhaxeysa da'dooda 3 ilaa 12 sanno jir, kuwaas oo carruurtoodu qaadey, ama ay halis ugu jiraan in ay qaadaan dhibaatooyinla la xiriira habdhaqanka.

Adeega waxa la bixiyaa ayadoo loo soo marayo adeegyada dawladda hoose sida rugaha caafimaadka dhallaanka iyo hooyada, adeega la talinta la xiriirta cilmi-nafsiga iyo waxbarashada, hay’adda gaashaanka carruurta iyo xannaanooyinka carruurta (barnehage) iyo dugsiyada.  Adeegyada TIBIR waxaa maanta laga helaa 115 oo ka mid ah 357 degmooyin ee Noorwey.

Waa maxay hadafka adeega?

Hadafka TIBIR waa ka hortagidda iyo daaweynta dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka marka ay ku jiraan marxaladda waqtiga hore, iyo in uu gacan ka geysto horumarka habdhaqanka togan/wanaagsan ee faa'idada u leh bulshada.

Sida kale waxa iyana hadaf ah in khabiiradu ay fahan isku mid ah ka yeeshaan qaabka dhibbaatooyinka habdhaqanka la xiriira u yimaadaan, iyo sida dhibbaatooyinkaas looga hortagi karo ama loo daweyn karo.

Muxuu TIBIR ka kooban yahay?

 Barnaamijka wuxuu ka kooban yahay lix adeegyo oo loogu talagalay qoysaska haysta carruur da'dooda u dhaxeysa 3 ilaa 12 sanno jir kuwaas oo qaba ama halis ugu jira qaadidda dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka.

  • Qiimeynta lagu muujinayo dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka ee soo socda ama jira.
  • La-talin loogu talogalay waalidiinta carruurtoodu halista ugu jirto in ay qaadaan dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka.
  • Kooxaxa waalidka PMTO – waa adeeg-kooxeed oo leh PMTO oo loogu talogalay waalidiinta carruurtoodu halista ugu jirto in ay qaadaan dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka..
  • PMTO - adeeg daaweyn ah oo loogu talogalay waalidiinta carruurtoodu qabto dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka.
  • La talin loogu talagalay shaqaalaha ka shaqeeya dugsiyada iyo xannaanooyinka carruurta ee ka shaqeeyo carruurta qabta dhibaatooyin la xiriira habdhaqanka.
  • Tababar ah la dhaqanka bulshada oo loogu talogalay carruurta qabta dhibaatooyin la xiriira habdhaqanka.


We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.