U-kuurgal iyo aqoonsasho

U-kuurgalku waxa uu ka mid yahay barmaamijka ka hortagga ah ee Tidlig Innsats for Barn i Risiko (TIBIR).

Yaa loogu talogalay adeeggan?

Dadka aadeegani U-kuurgalka ah beegsanayo waa dhammaan carruurta la soo xiriirta adeegyada caadiga ah ee laga bixiyo dawladda hoose, tusaale ahaan rugta caafimaadka carruurta (helsestasjon).

Waa maxay hadafka U-kuurgalku?

Ujeedada tallaabadani waa sidii xilli hore loo ogaan lahaa oo loogu kuurgeli lahaa carruurta halis kala duwan ugu jirta in ay qaado dhibbaato habdhaqan, iyo in arrinkaasi keeno in carruurta iyo waalidku helaan waxqabad TIBIR ah oo ku salaysan heerka dhibbaatadoodu taagan tahay.

Qaabkee ayaanu u shaqaynaa?

Talaabadani waxa ay ka kooban in waalidka la siinayo wadahadal ku saabsan dhibbaatada habdhaqanka ee jiri karta, iyo u-kuurgal marba heer ah ah oo la bilaabayo haddii loo baahdo. 



We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.