Talo-bixin – dugsiga/xannaanada

Talo-bixintu waxa ay ka mid tahay waxqabadka barmaamijka ka hortagga ah ee Tidlig Innsats for Barn i Risiko (TIBIR). Waxqabadku waxa uu ku salaysan yahay mabaadiida farsamada daweynta ee Parent Management Training – Oregon (PMTO) iyo qaabka waxqabad ee PALS (habdhaqan togan, jawi waxbarasho oo taageero leh iyo wadashaqayn xagga dugsiga ah).

Yaa loogu talogalay adeeggan?

Talo-bixinta waxa la siiyaa shaqaalaha xannaanada carruurta iyo dugsiga ee ka shaqeeya carruurta jirta jirta 3 ilaa 12 sanno jir, ee halis ugu jira in ay qaadaan, ama qaba, dhibbaatooyinka la xiriira habdhaqanka.

Yaa bixiya talo-bixinta?

La-taliyeyaasha adeegyada ka talinta cilimi-nafsiyeedka waxbarashada, shaqaalaha hay’adda ka shaqeeya waxbarashada gaarka ah, khabiirada, khabiirada waxbarashada gaarka ah ee dugsiyada, macalimiinta ama la-taliyeyaasha la baray waxqabadkan.

Waa maxay ujeedada Talo-bixintu?

Ujeedada la-talintu waa in xannaanooyinka carruurta iyo SFO/shaqaalaha dugsiga tilmaamo laga siiyo adeegsiga farsamooyinka iyo xeeladaha ka hortagi kara ama dhimmi kara dhibbaatooyinka habdhaqan ee ka jira kooxaha/fasalada. Waa in la dhimo habdhaqanka mucaaradnimada ah, horumarka wacana waa in la dhiirigeliyo. 

Qaabkee ayaanu u shaqaynaa?

La-taliye ayaa shaqaalaha dugsiga/xannaanada caruurta siiya tilmaan-bixin usbuuc kasta ah ayaa 

  • • 6-8 talo-bixin
  • • Waxa la bixiyaa tilmaamo la xiriira hal ilmo, iyo carruurta kooxda/fasalka oo dhan, marba sidii loo baahdo.
  • • Shaqaalaha dugsiga/xannaanada carruurta waxa la baraya sidii ay qaab wacan ula dhaqmi lahaayeen ilmaha/carruurta.
  • • Farsamadu waxa ay ka kooban tahay in si firfircoon loo barto qaabab kala duwan oo loo qaabilo loolana macaamilo ilmaha/carruurta. 


We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.