Tababar bulshanimo

Tabobarka xirfadaha bulashanimo waxa ay ka mid tahay barmaamijka ka hortagga ah ee Tidlig Innsats for Barn i Risiko (TIBIR). Waxqabadku waxa uu ku salaysan yahay mabaadiida farsamada daweynta ee Parent Management Training – Oregon (PMTO) iyo barmaamijka Stop Now and Plan (SNAP), waa farsamo maskaxeed oo ah daweynta habdhaqanka oo lagu abuurtay Child Developmental Institute i Toronto, Canada.

Yaa loogu talogalay adeeggan?

Tabobarka bulshanimada waxa loogu talogalay carruurta jirta da’da 3 ilaa 12 ee aada xannaanada carruurta, dugsiga iyo/ama SFO ee halis ugu jira in ay qaadaan, ama qaba, dhibbaatooyinka la xiriira habdhaqanka.

Yaa bixiya tabobarka bulshanimada?

Shaqaalaha xannaanada carruurta, SFO iyo dugsiyada ee la baray waxqabadkan ee ka shaqeeya carruurta qabta dhibbaatooyinka habdhaqanka.

Waa maxay hadafka Tabobarka bulshanimo?

Hadafka Tabobarka bulshanimo waa in laga hortaggo iyo in la dhimo habdhaqanka aan wacnayn isla markaana la horumariyo xirfadah bulshanimo ee ilmuhu leeyahay.

Qaabkee ayaanu u shaqaynaa?

  • Tabobarka gooni-gooni ayaa loo bixiyaa.
  • Ilmuhu waxa uu baranayaa in uu xirfaddo bulshanimo oo cayiman la tijaabiyo tabobarehiisa iyo in uu ku tijaabiyo xaalad daabiici ah. Tusaalooyin ka mid ah xirfadaha bulshanimo ee ilmuhu baranayo waa, adeecidda farriimaha, in uu markiisa sugo marka la hadlayo iyo marka la ciyaarayo iyo in uu xakameeyo dareenada taban/wacnayn.
  • Tabobarada waxa lala qaadanayaa qof weyn oo la baray farsamada.
  • Adeegu waxa uu soconayaa 8 ilaa 10 usbuuc.
  • Waxa loo qorshaynayaa si waafaqsan baahida ilmaha.


We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.