Kooxaha waalidiinta

Kooxaha waalidiintu waa mid ka mid ah tallaabooyinka barnaamijka ka hortagga ah ee Faragelinta waqtiga hore ee carruurta halista ku jirta (TIBIR).  Tallaabada waxaa lagu saleeyaa mabda'yada habka daaweynta Parent Management Training- Oregan (PMTO).

Yaa loogu talagalay adeegan?

Kooxaha PMTO waxaa la siiyaa waalidiinta haysata carruur da'dooda u dhaxeysa 3 ilaa 12 sannadood kuwaas oo qaba ama halis ugu jira in ay qaadaan dhibaatooyinka la xiriira habdhaqanka.

Waa maxay hadafka kooxdu?

Hadafka kooxdu waa in waalidka iyo ilmuhu dib u soo nooleeyaan xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya. Waxa la dhimayaa habdhaqanka mucaaradnimada ah, waxaana la dhiirigelinayaa horumarka wanaagsan.

Sida aan u shaqeyno 

  • Kooxda waalidka waxaa hoggaamineya 2 khabiir.
  • Waxaa jira kullamo toddobaadle ah oo soconaya 12 toddobaad.
  • Koox kasta waxaa ay ka kooban tahay 12-16 waalidiin.
  • Waxa habboon in labada waalidba ka soo qaybgalaan haddii ay  wada degan yihiin. Beddel ahaan, adeer ama eeddo ilmuhu la nool yahay waa ay ka soo qaybgeli karaan
  • Waalidiinta waxa la barayaa sidii ay wadadhaqan waxtar leh ula yeelan lahaayeen ilmaha
  • Farsamadani waxa ay faraysaa in si firfircoon loo xafido/qaybo habab kala duwan oo loo wajaho oo loola dhaqmo ilmaha .


We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.