Su'aalaha qalabyada barbaarineed


Su'aalaha sida joogtada ah la is wayddiiyo ee ku saabsan farriimaha wacan ee waxtarka leh

1. Waa maxay sababta cunugeyga uusan u sameynaynin wixii loo sheego marka aan isticmaalo fariimo fiican?

2. Maxaan sameynayaa marka cunugayga uusan cadeecaynin farriinteyda - ma iska dhaafayaa?

3. Ma qasab baa in aan taabto waqti kasta oo aan farriin siinayo?

4. Way igu adag tahay in aad siiyo farriin fiican anigoon wayddiinin su'aal.

5. Carruurta mar kasta ma sameeyaan waxa ay waalidiintooda u sheegaan? Si kastaba, ma ahan mashiinka sidii dadka oo kale wax u qabta.

 


Su'aalaha sida joogtada ah la isu wayddiiyo ee ku saabsan ammaanidda iyo dhiiri-gelinta

6. Carruurta ma ku xumaadaan ammaanidda iyo abaal-marinada badan? Miyaanay dabiici ahayn in carruurtu u dhaqmaan si wanaagsan oo caadi ah?

7. Waxay u egtahay in helidda ammaanid aysan muhiim u ahayn wiilkeyga. Waxay u muuqataa in aanay isaga geleyn ba.

8. Waxay iila eg tahay wax aan caadi ahayn in la siiyo ammaanid iyo abaal-barin badan iyo in si aad ah hubaal loo noqda. Waxaan dareemaa in ay tahay been iyo maskaxda ka degid.

9 Ma in aan sii wadaa isticmaalidda foomka abaal-marinta ilaa ay ka qaangaareyso?

10.Wakhti intee le'eg ayaan isticmaalayaa nidaamka abaal-marinta ah kahor inta aan bilaabin isticmaalidda mid kale?

 


Su'aalo guud oo ku saabsan xaddad yeeleshada

11. Khalad soo ma aha in la ciqaabo carruurtaada?

12. Cunugeyga wuxuu sameeyaa wixii loo sheego marka aan aad u xanaaqo. Maxaan u baddelayaa tani, haddii ayba shaqeynayso?

 

Su'aalaha sida joogtada ah la is wayddiiyo ee ku saabsan farriimaha wacan ee waxtarka leh


1. Waa maxay sababta cunugeyga uusan u sameynaynin wixii loo sheego marka aan isticmaalo fariimo fiican?

Tani ma aha daaweyn isla-markiiba ah, laakin farriimaha fiican waxay kordhinayaan suurtagalnimada ah in carruurta ay si fiican kuula shaqeeyaan. Waa muhiim in marka hore ahmiyadda la saaro qiimeynta sida aad u siinaysid fariimaha. Tani waxay kugu caawinaysaa in aadan yeelanin rajo weyn ee ah in cunugaaga uu wada-shaqayn kaagala yeelanayo dhammaan farriimaha. Baddelidda caado waxay qaadaneysaa waqti.

 


2. Maxaan sameynayaa marka cunugayga uusan cadeecaynin farriinteyda - ma iska dhaafayaa?

Isku-day in aan ku sii jirtid xaaladda, waxaadna siisaa cunugaaga fursad uu wada-shaqayn kuugula yeelanayo. Haddii cunugaaga uusan wali ku dhageysaneynin, isku-day in aad ka yara durugtid si aanu degenaanshuhu kaaga lumin. Dib ugu noqo muddo gaaban kadib, waxaadna isku-daydaa markale haddii aad hubtid in aad is-dejin kartid.

 


3. Ma qasab baa in aan taabto waqti kasta oo aan farriin siinayo?

Ku dhowaanshaha iyo taabashada sida badan waa qalab fiican si loo helo feejignaanta cunuga, balse waxaad tijaabin kartaa in yar si aad u aragtid haddii cunugaaga uu ku dhageysanayo sida marka aad isticmaashid magaciisa/magaceeda ama marka aad tidhaahdid "i soo fiiri".

 

 


4. Way igu adag tahay in aad siiyo farriin fiican anigoon wayddiinin su'aal.

Waxa kula wacnaan karta in aad codsi adeegsatid intii aad farriin adeegsan lahayd, laakiin ogow in ilmuhu markaas maya kuugu jawaabi karo haddii aad wa weydiisatid. Adigoo isticmaalaya jawi-guud oo saaxibtinimo, iyo adigoo ku dhammeynaya farriintaada erayo iyo oraahyo sida "fadlan" iyo "haddii aad ii naxriisan lahayd", farriintau waxa ay noqonaysaa mid wanaagsan ayadoon loo soo bandhigin si su'aal ahaan.

 

 


5. Carruurta mar kasta ma sameeyaan waxa ay waalidiintooda u sheegaan? Si kastaba, ma ahan mashiinka sidii dadka oo kale wax u qabta.

Carruurta mar kasta ma sameeyaan waxa aan u sheegno. Waxaan ogsoonahay in carruurta sameeysa waxa ay dadka waaweyn u sheegaan ay qiyaastii 10-kii jeerba 7 ay yihiin carruurta dhab ahaantii ka guulgaara noolasha.

 

Su'aalaha sida joogtada ah la isu wayddiiyo ee ku saabsan ammaanidda iyo dhiiri-gelinta


6. Carruurta ma ku xumaadaan ammaanidda iyo abaal-marinada badan? Miyaanay dabiici ahayn in carruurtu u dhaqmaan si wanaagsan oo caadi ah?

In aad filatid in ay carruurta u dhaqmaan si wanaagsan adigoon dhiiri-gelinin waa dhalanteed.

Haddii waalidiinta ay feejignaan siiyaan habdhaqanka, waxay u dhow dahay in cunuga uu ku celinayo habdhaqanka. Habdhaqanka wanaagsan yaan marnaba loo qaadan in uu yahay bilaash, haddii kale waxa laga yaabaa in si dakhso ah lagu waayo. Feejignaanta fiican ee dabeecadaha la doonaya waxay ka dhigaysaa cunuga mid aad ugu dhiiran in uu barto.

 

 


7. Waxay u egtahay in helidda ammaanid aysan muhiim u ahayn wiilkeyga. Waxay u muuqataa in aanay isaga geleyn ba.

Waxa loogu yeero "carruurta dhibka badan" sida badan way adag tahay in la dhiiri-geliyo, balse taasi waa sababta sida saxda ah ay ugu baahan yihiin wax badan marka loo eego carruurta kale. Waxay sida badan iska haystaan sawir xun, waxaanay isu arkaan in aanay wacnayn. Sidaas awgeed way ku adag tahay in ay ka qaataan farriimo hubaal ah ee ku saabsan naf-ahaantooda oo dadka kale uga timaada. Waalidiinta waxay u baahan yihiin in ay ku cel-celiyaan jawaab-celin hubaal ah iyo in ay raadiyaan habdhaqan hubaal ah oo ay ku dhiiri-gelinayaan ama ku abaal-marinayaan xataa haddii cunuga uu u muuqdo mid aan saameynaynin ammaanidda. Barashada wax cusub waxay u baahan tahay dhiiri-gelin dheeraad ah.

 

 


8. Waxay iila eg tahay wax aan caadi ahayn in la siiyo ammaanid iyo abaal-barin badan iyo in si aad ah hubaal loo noqda. Waxaan dareemaa in ay tahay been iyo maskaxda ka degid.

Ammaanidda habkan ah si dabiici ah ugu ma imaato qof kasta marka hore. Waxay qaadan kartaa waqti kahor inta aad la qabsan rabtid. Maadaama carruurta ay ku dayanayaan dabeecadda dadka ku hareersan, waxaad si aad ah u saameynaysa sida iyo waxa cunugaaga uu baranayo. Ka fakar habdhaqankaaga.

Waxa aad dhaheysid ama aad sameynaysi marka cunugaaga uu joogo waxay saameynaysaa habka cunugaaga u fikarayo ama uu u dhaqmayo. Waxaad tahay tusaalaha lagu dayanayo. Waxaa sidoo kale la muujiyay in ammaanidda iyo dhiirigelinta ay aad muhiim u tahay si loo baddelo carruurta muujinaysa habdhaqanka xun. Waalidiinta waxay u arki karaan wax aan dabiici ahayn, gaar ahaan bilowga hore. Waxa wanaagsan in laga fakaro tani in ay tahay wax loo baahan yahay in loo tabobarto. Isbar sidii aad amaanta uga dhigi lahayd wax la taaban karo – sidaas waxa ay ku noqon kartaa dabiici. Intii aad odhan lahayd “fiican”, “si wanaagsan” iwm, waxa aad dhihi kartaa “waa wax wacan in aad jaaketkaaga sudhay birtiisa!” , “waakaa ardaygii durba bilaabay ka shaqaynta layliga””, “waa wax wacan in labadiinu wada ciyaarteen” iwm.

 

 


9 Ma in aan sii wadaa isticmaalidda foomka abaal-marinta ilaa ay ka qaangaareyso?

Sida caadiga ah foomka abaal-marinta waa la yareyn karaa marka cunugu uu barto xirfadda. Xirfadda waxaa lagu sii wadi karaa dhiiri-gelin aan qorsheysneyn. Haddii dhibaatooyinku ay mar labaad imaadaan, foomka abaal-marinta dib ayaa loo soo celin karaa.. Waayo-aragnimada waxay muujinaysaa in carruurta qaarkood, iyo gaar ahaan kuwa qaba ADHD, waxay u baahan yihiin nidaamyo dhiiri-gelinta oo ah hab sii socda. Kuwo ayaa faa'iido wacan ka hela qaab-dhismeedka ay tani abuureyso.

 


10.Wakhti intee le'eg ayaan isticmaalayaa nidaamka abaal-marinta ah kahor inta aan bilaabin isticmaalidda mid kale?

Waa in aad ku dhegnaataa hal foom abaal-marineed inta aad ka shaqeynaysid aasaasidda caado cusub aadna kaga dhigaysid mid xasillan - ma aha in aad soo xasuusid cunugaaga ama aad ku dhibtid in uu sameeyo hawsha. Sidaas awgeed waa muhiin in aad siisid feejignaa dhow waxa dhacaya waana in aad xasuusatid ku diiwaangelinta dhacdooyinka foomka.

Markaa way fududahay in la oggaado marka hore loo sii soconaya. Waalidiinta waxay leeyihiin mas'uuliyadda in foomku sii “noolaado”, in ay foomka eegaan wakhtiyada lagu balamay iyo in ay daneeyaan. Haddii waalidiinta ay oggaadaan in foomka abaal-marinta uusan xiisagelinaynin cunuga, waa in ay ka fakeraan sababta aysan u shaqeynaynin. Laga yaabee in la baddelo abaal-marinta ama in tallaabooyinka wax laga beddelo si ay u noqdaan kuwo ku habboon oo ah cabbirka saxda ah - aan aad u fududeen ama aan aad u adkeen.

 

Su'aalo guud oo ku saabsan xaddad yeeleshada


11. Khalad soo ma aha in la ciqaabo carruurtaada?

Carruurta waxay u baahan yihiin xaddad si ay u sameystaan dareen amni iyo si ay u oggaadan waxa saxda iyo waxa khaladka ah. Waxaa sii dheer tallaaboonyinka togan in mararka qaarkood ay daruuri tahay in la isticmaalo ganaax si loo joojiyo abuuritaanka dhibaato la xiriirta habdhaqanka. Ayadoo la isticmaalayo ganaaxyo yar oo la qiyaasi karo, waxa la iska ilaalinayaa sii siyaadidda khilaafka iyo wada-shaqeyn la'aanta. Waa isku jirka u dhaxeeya dhiiri-gelinta iyo ganaaxyada  waxa muhiimka ah. Xasuuso 5:1 (shan amaan ah halkii ganaaxba)

Ganaaxu aargoosi maaha. Waaba muhiim in carruurta ay bartaan in ay doortaan haddii ay doonayaan in ay raacaan sharciyada ama in aysan raaceynin.

 


12. Cunugeyga wuxuu sameeyaa wixii loo sheego marka aan aad u xanaaqo. Maxaan u baddelayaa tani, haddii ayba shaqeynayso?

Sababtoo ah xanaaqa ma keeno saameynyo hubaal mustaqbalka-fog ah ee baddelidda dabeecadda cunugaaga. Waalidiin badan nafis kuma qabaan in ay ku xanaaqaan carruurtooda. Carruurta badankood waxay ka baqaan dadka waaweyn ee xanaaqsan. Waxaa sidoo kale jira in halis ah in xanaaqa qofka weyn uu si dhakhso ah u siyaado. Cunugaaga wuxuu u baahan yahay in uu barto dhageysiga, ayadoon loo baahneyn in qofka weyn ay xanaaqo. Tani waa khibrad daruuri u ah cunugaaga, marka uu joogo dugsiga iyo marka uu bilaabayo in uu shaqeeyo.

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

 

 



We uses cookies on this website. By using this site, you agree that we may store and access cookies on your device. Read more about cookies here. Do not show this message again.